Hargeysa: Nin dadka ku baadhan jiray labbiska ciidanka oo afar sano lagu xukumay

 

Isniin, October 20, 2025 (HOL) - Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Somaliland ayaa afar sano oo xabsi ciidan ah ku riday nin lagu helay dambi ah inuu dadka ku baadhan jiray labbiska ciidanka.

Qoraal ka soo baxay Ciidanka Booliska ayaa lagu yidhi: “Maxkamadda Ciidamada Qaranka ee Darajada 1-aad ayaa maanta xukun afar (4) sano oo xabsi ciidan ah ku riday dambiile Cabdinaasir Cabdi Cali, kadib markii lagu helay dambi ah inuu si sharci-darro ah u xidhnaa dirays ciidan, isla markaana uu bulshada ku baadhanayay isagoo sita dirays iyo darajo been-abuur ah.”

newsinsideCiidanka Booliska ayaa sheegay inay dambiilaha soo qabteen dhawaan, iyagoo ku helay alaabo kala duwan oo uu dhacay. Waxaa la ogaaday inuu hore uga tirsanaa Ciidanka Militariga, balse muddo ka hor laga ruqseeyay ciidanka, sida ay sheegeen booliisku.

“Taliska Ciidanka Booliska JSL wuxuu digniin adag u dirayaa cid kasta oo aan ka tirsanayn Ciidamada Qalabka Sida, haddana xidhata dirays ciidan ama isticmaasha calaamadaha iyo darajooyinka ciidamada,” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay booliiska.

Marar kala duwan ayay ciidamada Somaliland gacanta kusoo dhigeen dad xidhan labbiska ciidanka oo dadka ku dhaca, iyadoo falalkaas darteed dad badan xabsiyada loo taxaabay sannadihii la soo dhaafay.

Inkasta oo ay dhawaan magaalada Hargeysa ka dhaceen dilal goos-goos ah, haddana guud ahaan amniga magaalada ayaa sannadihii u dambeeyay si weyn u soo hagaagay, iyadoo la waayay kooxihii iyo tuuggadii si joogto ah dadka u baadhan jiray habeenkii.