Madaxweyne Deni oo qirtay dayaca maamulkiisa ee horseeday faafitaanka Daacish

 

Isniin, October 20, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qirtay in maamulkiisu uu dayacay ka hortagga ururka Daacish, taas oo sababtay in kooxdan sanadihii dambe ay awood ballaaran ku yeelato hesho deegaano ka tirsan Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in kumannaan xubnood oo ajnabi ah, kuwaas oo uu ku tilmaamay dambiilayaal iyo qaatiliin, ay si sahlan uga soo dageen xuduudaha, dekedaha iyo garoomada diyaaradaha, isla markaana ay adoonsi iyo cabburin ku hayeen shacabka ku nool deegaanadii ay ka talinayeen.

newsinside“Kumanaan ajnabi ah oo qaatiliin ah ayaa degey dhulkeennii, waxayna adoonsadeen dadkeennii. Dayaca meeshaas ka yimid cidda loo haysto waa dowladda, bulshada caadiga ah laguma eedeyn karo,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Deni ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay dhiseyso ciidamo booliis ah oo si wanaagsan u qalabeysan, kuwaas oo ilaalin doona garoomada iyo meelaha laga soo galo Puntland, si looga hortago in xubno kale oo argagixiso ah ay soo galaan.

Wuxuu intaas ku daray in muddo sanad ah ay ciidamada Puntland dagaal kula jireen ururka Daacish, isla markaana ay ku guuleysteen inay wiiqaan awooddooda dhaqaale iyo ciidan, isagoo xusay in howlgalkaas uu marayo gabagabo, laguna wado in diiradda la saaro howlgalka Calmadow.