Isniin, October 20, 2025 (HOL) - Ciidanka Booliska Somaliland ayaa galabta ku dhawaaqay in gabi ahaanba la joojiyay dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynaha ee magaalada Ceerigaabo, xilli uu furmayo shir nabadeed oo u dhexeeya beelaha magaalada wada deggan.
Taliyaha Ciidanka Booliska, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan (Cabdi Dheere), oo la hadlay warbaahinta, ayaa soo saaray amar rasmi ah oo lagu joojinayo dhaqdhaqaaqa gaadiidka laga bilaabo caawa, isaga oo sheegay in arrintaasi looga dan leeyahay sugidda amniga shirka.
“Si loo sugo ammaanka shirka, ciidamada amniga ee gobolka waxaa la farayaa in gebi ahaanba la xaddido dhaqdhaqaaqa gaadiidka laga bilaabo lixda fiidnimo ee maanta, oo ah Isniin. Sababtu waa furitaanka iyo gabagabada shirka nabadeed,” ayuu yidhi Sarreeye Guuto Cabdi Dheere.
newsinsideWuxuu intaa ku daray in muddada uu shirku socdo ay shaqayn doonaan oo keliya gaadiid tiro kooban oo haysta aqoonsi gaar ah ama warqad oggolaansho dhaqdhaqaaq oo laga qaadan doono Badhasaabka Gobolka Sanaag. Wuxuuna bulshada ugu baaqay inay si buuxda ula shaqeeyaan ciidamada amniga.
“Cid kasta oo amarkan jebisa, ciidamada amniga waxan ku amrayaa inay tallaabo sharci ah ka qaadaan oo ay sharciga horgeeyaan. Waa arrin amni, waana tallaabo lagu sugayo ammaanka shirka nabadeed ee uu Madaxweynaha JSL dhigay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Shirkan, oo yimid kadib gogol uu dhigay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa si hordhac ah maalmahan uga socday magaalada, iyadoo magtii loo kala qaaday beelaha kala duwan ee magaalada wada deggan, kuwaas oo sannadkii hore uu dhexmaray qulqulatooyin sababay khasaare naf iyo maalba leh.
Maamulka Puntland ayaa kamid ah dhinacyada soo dhaweeyay shirka nabadeed, iyadoo Madaxweyne Dani uu dhowr jeer fagaarayaasha ka sheegay inuu soo dhawaynayo nabadda Ceerigaabo. Sidoo kale, Puntland iyo Somaliland ayaa shir ay dhawaan ku yeesheen magaalada Nayroobi ku heshiiyay in la taageero shirka nabadda, si gobolka nabad loogu soo dabaalo.
Dhanka kale, maamulka Waqooyi Bari ayaa si adag uga soo horjeestay shirka, iyadoo Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi uu dhawaan sheegay in shirkaasi uu guulaysan karo oo keliya haddii Somaliland iyo Waqooyi Bari ay ka heshiiyaan muranka dhuleed ee ka dhexeeya.