1/27/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2025
Puntland oo xaqiijisay inay gacanta ku dhigtay 8 nin oo looga shakisan yahay inay qaraxyada u sameeyaan Daacish

Axad, January 26, 2025 (HOL) - Ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay 8 qof, oo ay ku jiraan lix ajaaniib ah, kuwaas oo looga shakisan yahay inay katirsan yihiin shabakad ka tirsan kooxda Daacish oo Boosaaso ku diyaarisa qaraxyada.

Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in dadkan lagu soo qabtay howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish oo laga fuliyay magaalada Boosaaso. Eedeysanayaashan ayaa loo haystaa inay la shaqeynayeen nin ajnebi ah oo magaalada Boosaaso lagu dilay isagoo doonayay inuu qarax aaso.

Intaas waxaa sii dheer, saraakiisha ammaanka waxay shaaciyeen in ilaa 100 qof oo kale ay hadda ku xiran yihiin saldhigyada Bosaso, iyadoo baaritaanno lagu wado si loo xaqiijiyo xiriirka ay la leeyihiin kooxda Daacish.

"Xariggan waa qeyb ka mid ah dadaallada lagula xisaabtamayo kuwa ku lug leh falalka argagixisanimo," ayuu yiri afhayeen u hadlay laamaha ammaanka, isaga oo intaas ku daray in baaritaannada ay weli socdaan, ayna dib ka bixidoonaan faahfaahin dheeraad ah.

Puntland ayaa maalintii shalay ku dhawaaqday qorshe ay ku eryeyso ajaanibta sharci-darrada ah ee ku sugan deegaannadeeda, iyadoo tallaabadan lagu micneeyay inay la xiriirto kororka ajaanibta ku biiraysa kooxda Daacish.