1/27/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2025
Dowladda Fedaraalka oo abaabulkii ugu cuslaa oo ka dhan ah Al-shabaab ka wada gobolka Hiiraan
 

Axad, January 26, 2025 (HOL) - Taliyaha ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe, Taliyaha ciidanka Dhulka Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Ergeyga madaxweynaha u qaabilsan ciidanka Macawisleyda Cali Jeyte Cismaan ayaa abaabulkii ugu dambeeyay ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ka wada gobolka Hiiraan.

Masuuliyiintaan oo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan nawaaxiga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka u sheegay iney u diyaar garoobaan dagaalka Al-shabaab looga xureynayo qeybaha ay ka joogaan Hiiraan.

Taliyaha ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo furimaha hore ee dagaalka kula hadlay ciidamada iskaashanaya ayaa sheegay in la joogo waqtigii lasoo afjari lahaa Al-shabaab.

“Waxaa la idinka doonaya inaad qeyb muhiim ah ka qaadataan dagaalka lagu xorreynayo dalka, waxaa lagama maarmaan ah inaan iska qabano dadka ku dhexjira Al-shabaab ee anagana nagu dhexjira, waxaan rabna cadawga inaan meelaha uu joogo ugu tagno, kuwa dhibaatada ay ku hayaana aad ka xureysan" ayuu yiri Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali.

Taliyaha ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Sahal Cabdullaahi Cumar oo dhankiisa la hadlay ciidamada is garabsanaya ayaa sheegay in dowladda ay diyaarisay wax walba oo ku baxaya sidii dalka looga xureyn lahaa Al-shabaab.

“Maanta fursad baad haysataan, shalay hawshii billaabatay oo xoogaa hakatay darteed cadowga waa soo duulay oo soo noqday, maanta waxaa fursad ah Dowladdii Soomaaliyeed, Ciidankii xoogga dalka iyo Nabad sugidda dhamaan garabkiina la yahay, waxaana diyaar u nahay haddaad Saad,Hub, Rasaas iyo wax kasto oo ku baxayo nimankaas Khawaarijta dalka looga saarayo” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Dhulka Sahal Cabdullaahi Cumar.

Ergeyga madaxweynaha u qaabilsan ciidanka Macawiisleyda Cali Jeyte Cismaan ayaa dhankiisa faray ciidamada in laga sugayo guulo la taaban kara iney kasoo hoyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee markale dib uga bilaabanaya Hiiraan.

Ugu dambeyntii abaabulka masuuliyiintaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo bilowgii bishan Janaayo guud ahaan amniga gobolka Hiiraan lagu wareejiyay lagu wareejiyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.