Axad, January 26, 2025 (HOL) - Markii ugu horeeysay Isbitaal Kalkaal ee magaalada Muqdisho, ayaa shalay laga fuliyay qalliinka wadnaha furan, kaas oo ay dadka Soomaalida intooda awoodda ay u aadi jireen dibadda gaar ahaan wadamo ay kamid ahaayeen India iyo Turkiga.
Qalliinnadi u horreeyay ayaa waxaa lagu sameeyay laba canug oo yar yar oo Soomaali ah, Waxaana fuliyay dhaqtar u dhashay dalka Talyaaniga, Dhaqtarka Qalliinkaan sameeyay ayaa sanadkii 2023 u yimid magaalada Muqdisho inuu baaritaano caafimaad u sameeyo caruur la daalaadhaceysay xanuunka dhinaca wadnaha ah.
Mashruucan ayaa waxaa fulintiisa iska kaashaday hay’adda samafalka ee Hormuud Salaam Fundation iyo Isbitaalka Kalkaal ee magaalada Muqdisho, Cabdulaahi Nuur Cusmaan oo ah gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation ayaa sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin inay arkaan in Soomaaliya gudaheedi lagu sameenayo qalliinadii loo aadi jiray wadanka Dibadiisa.
Madaxa Xarunaha isbitaalkaasi Kalkaal Dr. Gallad Shiil Ducaale ayaa sheegay in howsha ay bilaabeen ay tahay mid ay Soomaalida uga maarmi doonaan safaradii lacagaha badan ee Dibadda uga bixi jiray sida Visa soo saarka iyo Ticket yada, waxaana uu carabka ku dhuftay in laga yaabay in muwaadinka Soomaaliyeed ay Kharash ahaan ka gasho Lix Kun ilaa Todoba Kun ee Doolarka Mareykanka balse iyagu ay lacag intaasi ka yar ay ku sameeyn donaan qalliinada dhanka wadnaha ah.
Wadnuhu waa mid ka mida xubnaha ugu muhiimsan jirka bini’aadanka ee qabta shaqo la’aanteed uusan qofku noolaan karin. Si la mida xubnaha kale ee jirka waxaa jira xanuuno ku dhaca wadnaha.