1/27/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2025
Madaxweynaha Somaliland oo Safar Ugu Ambabaxay Waddanka Imaaraatka Carabta
 

Axad, January 26, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa safarkiisii ugu horreeyay saaka ugu ambabaxay waddanka Isutaga Imaaraatka Carabta.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa usoo dirtay diyaarad khaas ah. Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu madaxweynuhu dibadda ugu baxo tan iyo markii xilka loo dhaariyay 12 December, 2024. Waxa horay loo filayay in safarkiisa koowaad uu ku tagi doono Jabuuti ama Itoobiya.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa saaxiib dhow la ahayd xukuumadihii xisbiga Kulmiye, taas oo sababtay in ay boqollaal milyan oo dollar uu Imaaraatku ku maalgeliyo dib u dhiska Dekedda Berbera, Madaarka Berbera iyo waddada isku xidha Berbera iyo magaalo-ganacsiyeedka Wajaale.

Madaxweyne Cirro ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadkii sida weyn uga soo horjeeday maalgelinta DPWorld ee Dekedda Berbera, isaga oo u arkayay in aanay faa’iido weyn u yeelan doonin dekedda. Laakiin madaxweynaha ayaa fikirkiisa beddelay kadib markii dekedda la ballaadhiyay.

Imaaraatka ayaa ka mid ah waddamada xafiisyada matalaada ah ku leh Hargeysa. Sidoo kale, Somaliland ayaa xafiis matalaadeed ku leh Imaaraatka Carabta. Lama oga waxa uu daaran yahay safarka madaxweynuhu ilaa hadda.