10/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 24, 2024
Ganacsigii Soomaalida Islii oo maanta xiran iyo banaanbaxyo waa weyn oo halkaas ka dhacay


Khamiis, October, 24, 2024 (HOL) - Waxaa maanta gabi ahaanba xiran goobahii ganacsiga ee suuqa ugu weyn Soomaalida ee ku laheyd Xaafada Islii ee magaalada  Nairobi ee dalla Kenya, kadib banaanbaxyo xoogan oo ay sameeyeen ganacsatada iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee degan xaafada Islii.

Banaanbaxyada ayaa ahaa kuwa looga soo horjeeday, islamarkaana caddaalad loogu raadinayo hooyo iyo labo gabdhood oo mid ay dhashay midna habayar u aheyd oo lagu dilay magaalada Nairobi meydadkoodana lasoo dhigay xaafado ka tirsan magaalada Nairobi.

Dilka loo geystay haweenkan Soomaaliyeed  ayaa argagax iyo cabsi badan ka abuuray dadka Sooaaliyeed ee dagan magaalada Nairobi, kadib markii haweenka qaarkood meydkooda uu ahaa mid la jarjaray.

Guddoomiyaha guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee xaafada Islii Axmed Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta u sheegay in ganacsiyadooda maanta ay u xireen ka dhiidhinta iyo cadaalad u helida dilka argagaxa lahaa ee loo geystay hooyada Soomaaliyeed iyo labeeda gabdhood.

“Waxay ahayd dhacdo aan waligeed na soo marin, taas ayaan nagu kalliftay inaan Soomaalida isugu keeno oo bannaanbax la qabto, si meel ugu wada soo jeedsado, dowladdana baaq u dirno” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga ganacsatada Xaafada Islii Axmed Yare.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka mid ah Xildhibaanada laga soo doorto degmada Kamakunji oo ay weheliyaan Xildhibaano kale ayaa sheegay inaan mardambe loo dulqaadan doonin dhibaatada lagu haayo Soomaalida.

"Waxa dhacay waxay ahayeen wax xun oo xayawaanimo ah, uma dulqaadan doono in dadkeena la iska dilo, waxaan isugu soo baxnay inaan dowladda baaq u dirno" ayuu yiro Xildhibaan Yuusuf Xasan.

Ugu dambeyntii dadka Soomaaliyeed ee maanta dhigay dibadbaxa ayaa ugu baaqay dowladda iney si deg deg ah usoo qabto dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay gabadha Soomaaliyeed, waxayna sidoo kale dalbadeen in dadkaasi caddaaladada la horkeeno.