10/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 24, 2024
Soomaaliya oo si adag u cambaaraysay weerarkii lagu qaaday warshadaha Turkiga
 

Khamiis, October, 24, 2024 (HOL) - Dowladda  Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii shalay lagu qaaday warshadaha hawada sare ee dalka Turkiga (TUSAS) ee magaalada Kahramankazan ee magaalada Ankara, kaasoo geystay khasaare kala duwan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkan uu dhabar-jab ku yahay nabadda iyo ammaanka caalamka.

“Argagixisadu, nooc kasta oo ay tahay, waxay khatar weyn ku tahay xasilloonida ummadaha iyo badbaadada dadka meel kasta oo ay joogaan. Soomaaliya oo muddo dheer la dagaalamaysay argagixisada, waxay si qoto dheer ugu damqanaysaa walaalaheeda Turkiga, waxayna la qaybsanaysaa murugada,” ayaa lagu yiri warkan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh oo qadka taleefoonka kula xiriiray madaxweynaha Turkiga ayaa uga tacsiyeeyay dhibaatada dadkiisa kasoo gaartay weerarkan, isagoo tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan xanuunka iyo muragada walaalahooda dalka Turkiga.

Dowladdu waxay bogaadisay jawaabta degdega ah ee ay bixiyeen ciidamada ammaanka Turkiga, iyadoo sheegtay in ay ku kalsoon tahay in lala xisaabtami doono kuwii ka dambeeyay weerarkaas..

Soomaaliya waxay sheegtay inay ka go’an tahay inay sii wadato iskaashiga ay la leedahay Turkiga iyo beesha caalamka ee la dagaallanka argagixisada. Iskaashigaas oo ku dhisan u heellanaanta nabadda.