10/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 24, 2024
Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysna ka fuliyay gobolka Galgaduud
 

Khamiis, October, 24, 2024 (HOL) - Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa howgal qorshaysan oo lagu dilay xubo ka tirsan kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Geerile oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka ayaa la sheegay in khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaayay dhulka howd ah ee ku yaala deegaanka Geerile.

War qoraal ah oo kasoo baxaya dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in holwgalkaasi lagu dilay 12 toban xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana sidoo kale lagu dhaawacay 22 xubnood oo kale.

"Howlgalkan oo ahaa mid lagu raadjoogay firxadka haraadiga maleeshiyada argagixisada ee ku dhuumaaleysana deeganada dhulka howdka ee katirsan gobalka galgaduud ayaa lagu qaarajiyay 12 toban dhagarqabe oo katirsan khawaarijta halka 22 xubnood oo kale lagu dhaawacay howlgal maanta ciidanka ay kasameeyeen dhulka howdka ee ku xeeran Deegaanka geerile ee hostaga dagmada ceeldheer ee katirsan bariga gobalka galgaduud" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaanada dhaca Bariga gobolka Galgaduud ay mudo dheer ka socdaan howlgalada lagu doonayo in deegaanadaas looga ciribtiro Al-shabaab.