10/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 24, 2024
Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay heshiis dhexmaray Soomaaliya iyo Tanzania
 

Khamiis, October, 24, 2024 (HOL) - Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Xalay kulan ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Muqdisho ku ansixiyay heshiis is afgarad oo dhexmaray Soomaaliya iyo Tanzania.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyey Rayal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, waxaana Golaha ay ku meel mariyeen heshiis is afgarad oo la xariira iskaashiga difaaca labada dal oo ay wada gaareen ee Soomaaliya iyo Tanzania.

Waxaa sidoo kale kulanka warbixino kala duwan oo la xariira amniga guud ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab looga dhageystay Wasiiradda Gaashaandhiga iyo Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka ayaa sidoo kale kulanka kusoo bandhigtay xogo ku aadan canshuurta iibka ee dalka laga dhaqan galiyay iyo sida dowladda uga go’antahay dadaalada lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyntii heshiiskaan is afgarad ee la xariira iskaashiga difaaca labada dal ee Soomaaliya iyo Tanzania oo ay ansixiyeen Golaha Wasiiradda ayaa qeyb ka noqonaya heshiisyo noocaan oo kale ah oo ay hore dowladda Soomaaliya u la saxiixatay dowladdo badan ay ka mid yihiin Masar, Turkiga iyo Azarbijaan.