Jimco, Abril 17, 2020 (HOL) - Turkiga ayaa u soo diray Soomaaliya diyaarad rar ah oo sahay caafimaad ah Jimcihii maanta si ay gacan uga geysato dagaalka ay Soomaaliya kula jirto cudurka loo yaqaan coronavirus.
newsinsideWaa markii labaad oo diyaarad xamuul oo militariga Turkiga ah oo sidda sahay caafimaad oo ah qalabka ka hortagga 'Covid-19' ay ka soo degto garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Gargaarkaan wuxuu qeyb ka yahay siyaasada Turkiga ee ku aadan caawinta wadamada baahan. Turkigu wuxuu horey ugu diray kaalmo caynkaan ah dalalka Serbia, Bosnia iyo Herzegovina, Montenegro, North Macedonia, Kosovo, Libya, Italy, Spain, iyo kuwo kale.
Dhawaan, dowladda Turkiga ayaa sariiro loogu talo galay bukaanada uu soo rito cudurka Coronavirus ee la geeyo qeybta daryeelka degdega ah gaarsiiyay magaalada Muqdisho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online