Soomaaliya oo laga helay 36 kiis oo cusub oo COVID-19 ah

 

Jimco, Abril 17, 2020 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in maanta oo keliya dalka laga helay 36 kiis oo cusub oo ah xanuunka COVID-19, iyadoo arrintaasi ay kor usii qaadday xaddiga uu bushiga Coronavirus ugusii fidayo Soomaaliya.  

newsinsideWadarta guud dadka qaba xanuunkan ayaa hadda noqonaya 116 ruux guud ahaan Soomaaliya,  iyadoo wasaaradda caafimaadku ay werisay dhimashada shan qof, halka laba ruuxna ay ka bogsadeen.

Dadka xanuunka laga helay ayaa waxey yihiin maanta oo keliya 27 rag ah iyo 9 dumar ah,  sida ku cad warka ay wasaaraddu sii daaysay.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo xooggan oo ay ku dooneyso iney ku xakameyso fiditaanka Coronavirus, waxaana kiisaskaan cusub lasoo werinayaa iyadoo dad badan oo ku nool Muqdisho ay ka cabanayaan inuu hayo hargab amma duray,  hase-ahaatee waxaa aad u yar dadka tegaya goobaha Caafimaadka si ay isaga soo baaraan xanuunka COVID-19.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho