Hirshabelle oo diiday duulimaadyada gaarka ah ee deeganadeeda

 

Jimco, Abril 17, 2020 (HOL) - Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweeynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu amray in lajoojiyay duulimaadyada rayidka ah iyo kuwa gaarka ah, sidoo kale waxaa la’ogolaaday diyaaradaha AMISOM,UN-ka iyo kuwa gargaarka.

newsinsideAmarka kasoo baxay maamulka Hirshabelle oo aan faahfaahin badan lagu qorin ayaa lagu sheegay inta uu jiro xanuunka Covid19 inaan la’ogoleeyn duulimaadyada gaarka iyo kuwa rayidka oo aan fasax ka haaysan Hirshabelle, waxaana wasaarada duulista laga codsaday inaaysan kaligeed go’aan ka qaadan duulimaadkii soo codsada deegaanada Hirshabelle.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Hirshabelle oo aan laxariiray ayaa iisheegay in duulimaadyada gaarka ah looga gol-leeyahay in lalasocdo dhaq-dhaqaaqyada diyaaradaha gaarka loosoo kireeysto, islamarkaana madaxdu aaysan ka bixi karin kuwa kalane aaysan soo gali karin Hirshabelle ayagoon fasax ka haaysan maamulka.

Wasiirka warfafainta Hirshabelle Maxamed Cabdiraxmaan oo aan sidoo kale laxariirnay ayaan wax ka weeydiinay waxaa kusoo kordhay amarkii xukuumadu aay ku joojisay duulimaadyada gudaha Soomaaliya, wuxuu sheegay in amarkaas lasii adkeeyay islamarkaana waxaa ku cusub aay yihiin in wasaaradaha duulista federaalka iyo maamul goboleedku aay ka tashadaan hadeey jiraan duulimaadyo gaar ah oo soo codsada Hirshabelle.

Amarkan kasoo baxay maamulka Hirshabelle ayaa imaanaya xili aay xiranyihiin duulimaadyada Soomaaliya, waxaasa jira hadal haayn badan oo dadku isla dhexmarayaan oo ku aadan in dowlada federaalku aay wado qorshe ku aadan in ciidan lageeyo deegaanada Hirshabelle.

Madaxda Hirshabelle waxaa ka dhamaaday waqtiga xil-haaynta waxaana kusoo wajahan doorashooyin, hasa-ahaatee madaxweeynaha Hirshabelle ayaa dhawaan sheegay inaaysan doorasho diyaar u ahaayn inta laga xalinaayo xanuunka faafaya ee Covid19.