
Jimco, Abril 17, 2020 (HOL) - Gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo booqday cisbitaalka Sheikh Zayed oo aay maamuli jireen dowlada Imaaraadka ayaa madaxda dowlada Soomaaliya ka codsaday in lafuro cisbitaalka oo xiligan muhiim u ah dadka Soomaaliyeed.
newsinsideMahad Cawad ayaa isagoo kusugan banaanka hore ee cisbitaalka sheegay in aay xariir lasameeyeen safaarada dowlada Imaaraadka islamarkaana aay ka codsadeen in dib loofuro cisbitaalka, waxaa uu sheegay inaay kasoo jawaabi waayeen codsigooda balse aay muhiim tahay in madaxda qaranku aay go’aan ka gaaraan furitaanka Isbitaalka.
“Waxaan soo booqanay cisbitaalka Sheikh Zayed laakiin waxaa inoo suuragali waaysay inaan gudaha u galno maadaama mudo uu xirnaa, cisbitaalkan waa muhiim waxaa yaala adeeg caafimaad oo dhameeystiran, waxaa halkaan kujira qalabka neef-siinta oo maanta aay u baahanyihiin shacabka Soomaaliyeed, waxaa halkii mar lajiifin karaa 50 bukaan, madaxda qaranka waxaan ugu baaqayaa in cisbitaalkan aay furan islamarkaana aay jawaab waafiya ka siiyaan shacabka Soomaaliyeed oo maanta baahi weeyn u qaba” sidaas waxaa yiri Mahad Cawad.
Mahad Cawad ayaa hadalkiisa intaas ku daray in hantidan aay ahaayd deeq lasiiyay dadka Soomaaliyeed islamarkaana aay muhiim tahay in dadka loogu adeego, waxaa uu sheegay in maanta shacabka Soomaaliyeed aay baahi badan u qabaan inaay helaan cisbitaalo qalab fiican.
Hadalka gudoomiye kuxigeenka golaha shacabka ayaa imaanaya xili kiisaska Covid19 aay kor usii kacayaan islamarkaana aay soo baxeeyso cabashooyin ku aadan qalab la’aan haaysata cisbitaalka Martiini oo loo qorsheeyay in lagu daweeyo dadka qaba cudurka Covid19.
Cisbitaalka Sheikh Zayed oo ku yaala Muqdisho ayaa waxaa lafuray sanadkii 2015, waxaana xariga kajaray madaxweeynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud balse waxaa laxeray sanadkii 2018 xiligaas oo aay isku dhaceen dowlada Soomaaliya iyo Imaaraadka carabta.