NISA oo howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fulisay gobolka Hiiraan

Arbaco, December 17, 2025 (HOL) - Ciidanka hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee (NISA) oo garab ka helaya saaxiibada caalamka ayaa galinkii dambe ee Shalay howlgalo qorsheysanaa ka fuliyay deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan. 

Warsaxafadeed kasoo Taliska NISA ayaa lagu sheegay in howlgaladaasi lagu dilay ilaa sagaal xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab oo ku sugna barkoontarool oo ay ku leeyihiin kooxdu deegaanka Tardo.

Howlgalka ayaa sidoo kale ciidamadu ku burburiyeen barkoontarool oo la sheegay in halkaasi kooxda uga qaadi jireen lacago baad ah gaadidka dadweynaha ee wadadaasi isticmaala.

"Hawlgalkan ayaa yimid kaddib markii la helay xog sirdoon oo sugan oo muujinaysay in maleeshiyaadka Khawaarijta ay halkaas ka sameysteen bar-koontarool sharci-darro ah, isla markaana ay qorsheynayeen in ay lacago baad ah kaga qaadaan gawaarida shacabka. Howlgalka oo si guul ah ku soo dhammaaday ayaa lagu fashiliyey damacii Khawaarijta" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska hay'adda NISA. 

Waxaa sidoo kale Warsaxaafadeedka NISA lagu sheegay in Hay’adda Nabadsugidda Qaranka ay ka go’an tahay iney meel kasta ku beegsado xubnaha Al-shabaab ee ku howlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Hay'adda NISA oo dhameystiran: