
Arbaco, December 17, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd ka degay magaalada Kismaayo, halkaas oo la filayo in saacadaha soo socda si rasmi ah looga furo Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay isugu imaanayaan hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee dalka.
Madaxweyne Deni, oo ay la socdeen ciidamo ilaalo ah oo hubeysan, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana halkaas ku qaabilay mas’uuliyiin sare oo uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Wafdiga Madaxweynaha Puntland waxaa sidoo kale ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.
Dhanka kale, magaalada Kismaayo waxaa sidoo kale goordhaweyd gaaray wafdi ay kala hogaaminayeen Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo Cabdi Faarax Shirdoon iyadoo la filayo in xubnaha kale ee Madasha Samatabixinta ay iyaguna saacadaha soo socda soo gaaraan magaalada, si ay uga qeybgalaan shirka.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ra’iisul Wasaarayaashii hore ayaa si wadajir ah uga mahadceliyay Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo shacabka Kismaayo soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, iyaga oo xusay in martigelintaasi ay muujinayso midnimo iyo is-qaddarin siyaasadeed.
Mas'uuliyiintaan ayaa carrabka ku adkeeyay in Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya uu yahay fursad muhiim ah oo lagu dhisi karo aragti mideysan, laguna xoojin karo wada shaqeynta hoggaanka siyaasadeed ee dalka, si loo helo mustaqbal xasilloon oo ku dhisan wada-tashi iyo is-afgarad qaran.
Saacadaha soo socda, Waxaa lafilayaa in Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Mas'uuliyiin kale oo mucaaradka ah ay gaaraan magaalada Kismaayo.