Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo qof shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho

Arbaco, December 17, 2025 (HOL) -  Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dil Xalay loogu geystay Xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho qof shacab ahaa.

Dilka ayaa waxaa geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda, waxaana marxuumka la dilay lagu mgacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Muuse oo dilkisa loo sababeeyay muran soo kala dhex galay isaga iyo askriga.

Ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga degmada Dayniile oo qaaday talaabo deg deg ah ayaa isla Xalay gacanta kusoo dhigay eedeysaniha dilka gaystay oo  magaciisa lagu sheegay Axmed Cadaawe Cali.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono cadaaladda, si loogu qaado talaabo sharciga waafaqsan.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, saldhigga degmada Dayniile, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Dable Axmed Cadaawe Cali, oo ku eedeysan inuu degmada Dayniile waaxda Odwayne, ku dilay marxuum Cabdullaahi Maxamed Muuse, kadib muran soo kala dhexgalay” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir.

Dilkan Xalay ka dhacay xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile ayaa kusoo aadaya, iyadoo laba habeen ka hor isla degmadaas lagu dilay Wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanaayay Mooto Bajaj, kaasoo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Abuukar Maxamed, waxaana dilkiisa geystay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda oo isna magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Axmed Geedi.