Israa’iil oo jebisay xabad-joojintii Qasa, dad rayid ahna ku dishay duqaymo cusub


Axad, October 19, 2025 (HOL) - Ciidamada Israa’iil ayaa maanta bilaabay duqaymo culus oo ay ku qaadeen koonfurta iyo badhtamaha Qasa, xilli lagu jiray xabad-joojin ay dhexdhexaadisay dowladda Maraykanku bishan.

Wararka ka imanaya gudaha Qasa ayaa sheegaya in ugu yaraan 11 Falastiiniyiin ay ku dhinteen weerarro cirka ah oo Israa’iil fulisay, kuwaas oo ka dhacay magaalooyinka Khan Yuunis, Deir al-Balah, iyo Nuseirat. Warbaahinta maxalliga ah iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sidoo kale xaqiijiyey in dhowr qof ay ku dhaawacmeen, halka qaarna ay ku hoos jiraan burburka guryahooda.

newsinsideHay’adda Gurmadka Rayidka ee Qasa ayaa sheegtay in duqayn lagu qaaday iskuul ay ku hoyanayeen dad barakacayaal ah, taas oo sababsatay dhimasho iyo dhaawacyo badan. Xafiiska caafimaadka ee Qasa ayaa sheegay in tan iyo markii la dhaqan geliyey xabad-joojinta 11 maalmood ka hor, in ka badan 51 qof lagu dilay weerarro kala duwan oo Israa’iil geysatay, taas oo muujinaysa in heshiiska nabadeed uu si weyn u wiiqmay.

Xamaas ayaa dhankeeda sheegtay in ay si buuxda u ilaalinayso heshiiska xabad-joojinta, isla markaana ay been abuur tahay eedeyn  Israa’iil kaga timid oo ah in dagaalyahannadeedu weerareen askarta Yuhuudda.

Bayaan uu soo saartay ururka Qasaam oo ah garabka militari ee xamaas ayaa lagu yidhi: “Israa’iil waxay adeegsanaysaa been iyo marmarsiiyo si ay u sii waddo xasuuqa shacabka rayidka ah ee Qasa.”

Warbixinnada caalamiga ah, oo ay ku jirto mid uu qoray Axios, ayaa sheegaya in saraakiil Israa’iili ah ay la hadleen masuuliyiin Maraykan ah - oo uu ku jiro Jared Kushner, oo ah wiilka uu sodogga u yahay Madaxweyne Trump - kahor inta ayna duqaymahan bilaabin isla markaana uu Maraykanku ugu baaqay Israa’iil in ay “muujiso is-xakameyn” si aan xabad-joojintu u burburin.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda dhulka ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoo dadka Qasa ay muujinayaan cabsi iyo walbahaar. Wariye Hani Maxamuud oo ku sugan Qasa ayaa sheegay in dad badani ay ka baqayaan in dagaalkii labada sano socday uu dib u bilaabmo, isagoo soo xiganaya mid kamid ah dadka deegaanka oo yidhi: “Markii ay Israa’iil heshay maxaabiistii, haddana waxay nagu bilaabeen duqayn dagaalkiina waa soo laabtay.”

Heshiiska xabad-joojinta ee uu Maraykanku dhexdhexaadiyey bishan Oktoobar ayaa la filayay in uu noqdo bilow nabad waarta, balse falalka Israa’iil ee maanta ayaa halis galiyey mustaqbalka heshiiskaas.