Shir looga hadlaayay amniga xaduudaha dalka iyo ka hortagga Tahriibka oo Muqdisho lagu qabtay

 

Axad, October 19, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta shir guddoomiyay shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee magaalada Muqdisho. 

Shirkaan ayaa dhinacyada amniga iyo Socdaalka ay si weyn ugu lafa gureen sidii looga hortagi lahaa Tahriibka iyo waliba xoojinta amniga xuduudaha dalka, waxaana shirka kasoo qeyb galay Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Sareeye guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo saraakiisha kale ee labada hay’adood.

newsinside"Ujeeddada shirkan ayaa ahayd in la hormariyo iskaashiga iyo xog-wadaagga u dhexeeya Booliska iyo Hay’adda Socdaalka, si loo adkeeyo ammaanka xuduudaha dalka, loona horumariyo habraacyada la xiriira ka hortagga tahriibka, argagixisada, iyo ka ganacsiga sharci darrada ah ee dadka iyo badeecadaha" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya. 

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa shirka ku dhisay guddi isku dhafan oo diyaarinaya istaraatiijiyadda Qaranka ee sugidda amniga xuduudaha dalka iyo dib u eegista siyaasadaha qaran ee la xiriira ka hortagga tahriibka iyo dambiyada socdaalka.

Wasiir amniga gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in la xoojiyo ilaalinta xuduudaha iyo wada shaqeynta hay’adaha amniga, isagoo ku booriyey labada hay’adood inay si dhow u wada shaqeeyaan si loo xaqiijiyo amni waara.

Ugu dambeyntii shirkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay si weyn u kordhateen dhallinyarrada Soomaaliyeed ee ka tahriibaya dalka, kuwaas oo walaac xoogan ku abuuray bulshada iyo waalidiinta Soomaaliyeed.