Sabti, October 18, 2025 (HOL) - Soomaaliya ayaa si degdeg ah uga faa’iideysaneysa isbedelka suuqyada caalamiga ah ee xoolaha nool, iyadoo dhoofinta xoolaha ee dalka ay gaareyso heer taariikhi ah, taasoo la filayo in sanadkan 2025 ay dhaafsiiso $1 bilyan, sida lagu sheegay xog cusub oo ka soo baxday Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
Sida laga soo xigtay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda, Qaasim Cabdi Macallim, kobaca dhoofinta xoolaha Soomaaliya waxaa si weyn u sababay labo arrimood oo istiraatiiji ah sida qalalaasaha ka taagan dalka Suudaan iyo hoos u dhaca dhoofinta xoolaha ee Australia.
newsinside“Suudaan, oo mar ahayd waddan si weyn uga dhex muuqda dhoofinta xoolaha, hadda waxaa hortaagan dagaallo sokeeye, Dhinaca kale, Australia oo ahayd bixiye weyn oo xoolaha u dira dalalka Gacanka Carbeed ayaa si tartiib tartiib ah hoos ugu dhigtay dhoofinteeda, Labadaas arrimood waxay noo fureen suuqyo cusub iyo fursado dhaqaale,” ayuu yiri Qaasim Cabdi Macallim.
Wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay si fiican ugu dhowdahay suuqyada muhiimka ah sida Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, taasoo u fududeysay in si degdeg ah loo gaarsiiyo xoolaha, loona buuxiyo baahida suuqa.
Xogta dowladda ayaa muujineysa in Soomaaliya ay dhoofisay xoolo ku kacaya $974 milyan sanadkii hore 2024, marka loo eego $523 milyan oo la helay sanadkii 2021, Waxaa la filayaa in 2025 uu noqon doono sanadkii ugu sarreeyay marka laga hadlayo dakhliga ka soo xarooda dhoofinta xoolaha.
Intii u dhaxeysay 2021 ilaa 2024, Soomaaliya ayaa dhoofisay xoolo dhan $2.9 bilyan, taasoo muujinaysa sida ay xooluhu muhiim ugu yihiin dhaqaalaha dalka, uguna sii noqon karaan laf-dhabarta horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dalka.