Sabti, October 18, 2025 (HOL) - Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa maanta howlgalo ka dhan ahaa maleeshiyaadka Al-shabaab ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Kumaandooska Gorgor ayaa howlgalkan oo ay ku sheegaan saraakiishooda mid nadiifin ah ka sameeyay agagaarka deegaanada kala ah Maracade, Garas Gawaan iyo Galka Saalimow, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan Shabeellaha Hoose.
newsinsideCiidamada ayaa deegaanada ka sameeyay howlgal ay guri guri ugu galayeen, gaar ahaan guryo la sheegay iney daganayeen dad la tuhunsanaa iyo waliba sidoo kale waxyaabaha halista ku ah dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada kala duwan ee howlgalada ka sameeyeen ciidanka.
"Howlgalka oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka, ayaa ciidamadu inta uu socday sameeyeen baaritaanno amni oo lagu hubinayay gaadiidka, guryaha iyo dad la tuhunsanaa, si loo xaqiijiyo in deegaanka laga saaro wax kasta oo khatar ku ah shacabka" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka.
Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ayaa waxay sheegeen in ujeedadu tahay in la ciribtiro maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku dhuumaalaysanaya deegaanadaan, islamarkaana la sugo amniga waddooyinka ay isticmaalaan dadka shacabka ah.
Ugu dambeyntii saraakiishu waxay sido kale xuseen in ciidamada Gorgor ayaa sii wadi doonaan howlgalada nadiifinta ah ee ka socda qaybo kamid ah deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose si loo xaqiijiyo in deegaanka uu ka jiro amni iyo xasillooni waarta.