Baydhabo: Isbitaal uu Maraykanku taageeri jiray oo xirmay oo ay shaqaalihii ka shaqayn jiray dib u fureen

 

Sabti, October 18, 2025 (HOL) - Isbitaal kuyaala magaalada Baydhabo oo lagu magacaabo Suuqa Xoolaha, ayaa dib loo howlgaliyay todobaadyo kadddib markii albaabada loo laabay sababa la xiriira markii dowladda Mareykanka ay joojisay taageero dhaqaale oo ay siin jirtay, taas oo lagu bixin jiray mushahaarka shaqaalaha iyo daawooyinka.

Shaqaalihii isbitaalka, oo ay ku jiraan dhakhaatiir iyo umulisooyin, ayaa dib u howlgaliyay isbitaalka markii dhowr maalmood kadib, haweeney barakac ah oo uur leh ay timid iyadoo doonaysa dhalmo, waxaana lagu qasbay inay ku dhasho banaanka hortiisa isbitaalka.

newsinsideMarkii warkaas la maqlay, Khadija Nuur Aadan, oo ahayd umuliso, iyo shaqaalihii kale waxay go’aansadeen in ay dib u furaan isbitaalka si ay bulshada u caawiyaan,  inkastoo aanay mushahar helin.

Haatan, isbitaalka waxaa si iskaa wax u qabso ah uga shaqeeya dhakhaatiir, kalkaaliyayaal, iyo farmashiistaha, dhammaantoodna si tabaruc ah ayay u shaqeeyaan.

Mid ka mid ah shaqaalaha ayaa yiri: “Haddii aad lacag hesho ama aanad helinba, waa inaad bulshadaada u shaqaysaa.”

Mareykanku wuxuu hore u ahaa deeq-bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya, balse tan iyo xilligii maamulka Trump, gargaarkii badnaa waa la joojiyay.

Shaqaaluhu waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan shaqada ilaa ay helaan gargaar, iyagoo sheegay in aysan doonayn in haweenka iyo carruurta lagu dayaco magaalada gudaheeda.