Xafiiska QM ee Soomaaliya laantiisa Puntland oo fasaxaya shaqaale badan sababo dhaqaale awgeed

 

Khamiis, October 16, 2025 (HOL) - Xafiiska QM ee Soomaaliya (UNITAS) faraciisa Puntland ayaa qorsheynaya inuu dhammaadka bishan Oktoobar fasaxo tiro badan oo shaqaale ah, oo isugu jira ciidamo amni iyo shaqaale nadaafadeed, kuwaas oo qaar ka mid ah ay ka shaqeynayeen xarunta Garowe muddo ka badan 20 sano.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii xafiisku ay soo wajahday dhibaato dhaqaale oo xooggan, taasoo saameysay awooddiisii uu ku bixin lahaa kirada dhismaha uu ku shaqeeyo oo gaar loo leeyahay iyo mushaharka shaqaalaha ka howlgalla.

newsinsideShaqaalaha la fasaxayo ayaa horraantii bishan laga saxiixay warqadaha macsalaamaynta, laguna wargeliyay in shaqadoodu dhammaanayso marka bisha Oktoobar soo idlaato.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin in qorshahan uu qeyb ka yahay tallaabo lagu xirinayo gebi ahaan xafiiska UN-ka ee Garowe, haddana warar hoose ayaa sheegaya in howlaha hay’adaha Qaramada Midoobay haatan lagu wareejiyay dhismaha ay degan tahay hay’adda UNDP, oo ku taalla meel aan sidaas uga fogayn xaruntii hore.

Sida ay ilo-wareedyo gudaha ahi sheegeen, go’aanka lagu dhimayo shaqaalaha iyo barnaamijyada qaar ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo lagu yareynayo kharashaadka, kaddib markii hoos u dhac ku yimid taageeradii dhaqaale ee lagu maalgelin jiray howlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Shaqaalaha qaarkood ayaa horey loogu wargeliyay in aan la cusboonaysiin doonin heshiisyadooda, halka kuwo kalena lagu wargeliyay in mushaharka iyo gunnooyinkooda la dhimi doono.