Madaxda dowladda oo kulamo gooni gooni ah la kala qaatay Xildhibaanada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bariga Afrika

 

Khamiis, October 16, 2025 (HOL) - Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si yaabo gooni  gooni ah ula kulmay Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) kuwaas oo shalay ay doorteen labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa si kala gooni ah u qabailsay sagaalka xubnood ee Baarlamaanka Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

newsinsideKulamada madaxda ay la yeesheen xubnahan ayaa ahaa kuwa diirada lagu saaray dardargelinta doorka Soomaaliya ee ku aadan iskaashiga dhaqaale, bulshada, iyo siyaasadda gobolka Bariga Afrika.

Madaxda ayaa xubnahan ku matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika ku dhiiragliyay iney kasoo dhalaalaan masuuliyada culus ee loo igmaday, islamarkaana loo baahan yahay iney ku difaacaan danaha iyo aragtida Soomaaliya ee ku wajahan iskaashiga dhaqaale iyo wax wada qabsiga dalalka Bariga Afrika. 

Madaxweyne Xasan Sheekh dhankiisa kula dardaarmay masuuliyiintan inay muujiyaan hoggaan, xirfad iyo wadaniyad sare, islamar ahaantaana si muuqata u metelaan codka iyo mowqifka Soomaaliya ee Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhankooda sheegay in doorashada xildhibaanadan ay tahay guul muhiim ah oo Soomaaliya u soo hoyatay, dadka Soomaaliyeedna ay ka sugayaan matalaad dhab ah iyo waxqabad muuqda. 

Doorashada Xildhibaanadan Soomaaliya ku matali doona Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa imaaneysa, iyadoo Soomaaliya ay si rasmi ah uga mid noqotay Ururkan bishi Novembar ee sanadkii 2024.