Tirada dadka Soomaaliyeed ee isticmaala internetka oo gaartay 10 milyan sanadkan 2025

 

Khamiis, October 16, 2025 (HOL) - Dadka isticmaala internetka ee gudaha Soomaaliya gudaheeda ayaa gaaray 10.7 milyan, taasoo ka dhigan 55%  guud ahaan tirada dadka Soomaaliyeed. Adeegga Starlink ee la bilaabay Agoosto 2025 ayaa la filayaa inuu kordhiyo internet-ka guud ahaan dalka.

newsinsideInkasta oo horumar laga sameeyay, haddana adeegyada dijitaalka ah ee Soomaaliya ayaa weli la sheegay in ay yihiin kuwo xadidan. Soomaaliya ayaa gashay kaalinta 191-aad ee adeegyada dowladda ee internet-ka, halka kaalinteeda Afrika uu sarreeyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan  diyaarisay Istaraatiijiyadda Dijitaalka 2025–2030 si loo ballaariyo internet-ka, loo hagaajiyo adeegyada dowladda ee onlaynka ah, islamarkaasna la dhiirrigeliyo hal-abuurka iyo shaqooyin cusub.

Qorshahan cusub ayaa xoogga saaraya sida au Dowladda Soomaaliya sheegtay, waxbarashada, caafimaadka, beeraha, iyo maaliyadda.

Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Aadan Muxumed Cali, ayaa sheegay in qorshahan uu mideyn doono dhammaan mashaariicda dijitaalka ah ee dalka, taasoo uu sheegay in ay kor u qaadi doonto koboca dhaqaalaha dijitaalka ah.