Madaxweyne Xasan Sheekh "Nimanka siyaasiyiinta ah ee guryaha iyo hoteelada ku jira waxaan leeyahay banaanka u soo baxa oo arka Muqdisho quruxdeeda iyo amniga ka jira"


Axad, November 23, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta weerar afka ah ku qaaday xubnaha siyaasiyiinta ee mucaaradka ku ah dowladdiisa ee ku sugan magaalada Muqdisho. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho ka dalbaday iney ka run sheegaan xaalada dhabta ah ee ka jirta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

newsinsideMadaxeeynaha wuxuu nasiib daro weyn ku tilmaamay in siyaasiyiinta badan kooda ay in kirayaan waxa laga qabtay Magaaladda Muqdisho oo uu xusay in shalay iyo Maanta uu is badal weyn u dhaxeeyo xaalada Muqdisho.

"Nimanka siyaasiyiinta ah ee ku jira guryaha iyo hoteelada Muqdisho, waxaan leeyahay banaanka u soo baxa oo arka Caasimadda  quruxdeeda iyo amniga ka jira, waxaan kaloo leeyahay waxaad hubtaan sheega oo ha sheegina waxaadan soo arkina ee balaayada aad kasoo faafineysan hoteelada iska joojiya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya, saacado kooban kadib markii madaxweynihii hore dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xalay sheegay in Soomaaliya ay wajahayso xalaado culus oo la xariira waxqabad la’aan dowladeed,  gaajo iyo saboolnimo ku habsatay dalka.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xalay jeediyay waxaa ka mid ah inu Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay dowladda ku cadaadiyaan mushaar kordhin loo sameeyo ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, maadaama sicir bararka iyo qiimaha nolosha ee dalka si xowli ah u kordheen.