Axad, November 23, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa shir gaar ah guddoomiyay kaas oo si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda abaareed ee dalka ka taagan iyo saameynta sii kordheysa ee ka dhalatay roobabkii daahay iyo hoos u dhaca ku yimid gargaaradii bani’aadantinimo ee dalka soo gaari jiray.
Kulanka, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar-gelin lahaa samatabbixinta iyo qorsheyaasha looga hortagayo khataraha sii kordhaya.
newsinsideIntii uu shirka socday ayaa mas’uuliyiintu waxay isku raaceen in dalka uu wajahayo xaalad abaareed oo halis ah, taas oo ka dhalatay roob la’aan soo noqnoqotay iyo yaraanshaha taageeradii caalamiga ahayd.
Waxaana laga dooday Dardar-gelinta gurmadka degdegga ah, si loo gaarsiiyo cunto, biyo iyo adeegyo kale bulshada ugu nugul, Kordhinta iskaashiga hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah, si looga jawaabo baahiyaha sii kordhaya, Sameynta qorshe maareyn fog, oo looga hortago khataraha iyo dhibaatooyinka abaarta mustaqbalka dhow.
Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan, oo shir-jaraa’id qabtay kulanka kaddib, ayaa tilmaamay in hay’addu ay waddo dadaallo joogto ah oo lagu badbaadinayo malaayiin qof oo ku sugan xaalad nugul.
Wuxuu ugu baaqay bulshada caalamka iyo hay’adaha gargaarka inay kordhiyaan taageerada ay u fidiyaan Soomaaliya, maadaama xaaladdu ay marayso heer u baahan in si degdeg ah loo farageliyo.
Ugu dambeyn, SoDMA ayaa magacaawday guddiga farsamada ee u xilsaaran wax ka qabashada abaarta kuwaas oo soo diyaarin doona talooyin iyo qorshe dhaqso loogu fulin karo gurmadka bulshada ay abaartu sida daran u saamaysay.