Xukuumadda Soomaaliya oo ka digtay khatarta ku iman karta dalka haddii aan la mideyn canshuuraha

 

Axad, November 23, 2025 (HOL) - Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in heerka canshuuraha gudaha ee dalka laga aruuriyo uu weli ka hooseeyo heerka loo baahan yahay, iyadoo tirakoobkii ugu dambeeyay muujinaya in kaliya 3% dhaqaalaha dalka la canshuuro. 

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, oo ka qeybgalay dood lagu falanqeynayay xoojinta xasilloonida maaliyadeed ee bahda cadaaladda, ayaa sheegay in dowladda dhexe aysan wali si toos ah u helin canshuuraha laga qaado maamul goboleedyada, marka laga reebo caasimadda Muqdisho oo canshuuraha si rasmi ah looga qaado.

newsinsideWasiirka ayaa xusay in wasaaradda maaliyaddu ay mudnaanta siisay kordhinta dakhliga gudaha, si loo yareeyo ku tiirsanaanta deeqaha dibadda. 

Waxa uu sheegay in saddexdii sano ee la soo dhaafay uu koror gaaraya 80% ku yimid dakhliga gudaha, taas oo ay suurta gelisay hirgelinta sharciyo cusub, nidaam casri ah oo lagu aruuriyo canshuuraha, iyo adkeynta la xisaabtanka hay’adaha dakhli ururiya.

Biixi Iimaan Cige ayaa cadeeyay in dalka uu halis ugu jiro khalkhal maaliyadeed haddii aan si degdeg ah loogu heshiin nidaamka federaaleynta canshuuraha, isagoo yiri: “Dhaqaalaha Soomaaliya 3% oo kaliya ayaa la canshuuraa, Haddii aan heshiis laga gaarin federaaleynta canshuuraha, wadanku khatar ayuu ku jiraa.”

Isagoo ka hadlayay duruufihii hore ee dowladda, wasiirku wuxuu sheegay in markii Madaxweyne Xasan Sheekh la doortay ay dowladda ku tiirsaneyd kaliya dakhliga ka yimaada dekedda Muqdisho oo aan degganeyn, isla markaana xitaa mushaaraadka la kaabi jiray.

Sababtaas awgeed ayuu sheegay in laga guuray isku halaynta keliya ee dekeda Muqdisho, lana qaaday tallaabooyin lagu abuuro nidaam maaliyadeed oo casri ah, sida in la soo rogo xeer-ilaaliyaal dakhli, lana dhiso habraacyo kor u qaada ilaha dhaqaalaha gudaha.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay fahmaan duruufaha ay ku shaqeynayso dowladda, isagoo muujiyay in xasilloonida dhaqaale ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhisayo dowladnimo buuxda.