1/28/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2025
Golaha Wakiilada Somaliland oo Ansixiyay 19 Wasiir oo Ka Mid Noqon Doona Xukuumada Cusub

Isniin, January 6, 2025 (HOL) - Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhigoodii 9-aad ee kal-fadhiga 10-aad si rasmi ah u ansixiyay 19 wasiir oo ka tirsan xukuumadda cusub, kuwaas oo helay aqlabiyadda codadka xildhibaanada.

Wasiirada la ansixiyay waxa kamid ah Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL, Md. Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo helay 65 cod, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Md. Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo helay 59 cod.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Md. Maxamed Yuusuf Cali (Ikacase), ayaa helay 62 cod, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md. Khadar Xuseen Cabdi, ayaa isna helay 65 cod, sidoo kale 64 Mudane ayaa ogolaaday in Md. Xassan Axmed Ducaale (Maclin) in uu ahaado Wasiir Wasaarada Horumarinta Dawladaha Hoose iyo Magaalooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md. Axmed Maxamed Faarax Coofle, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Md. Jamaal Maxamed Jaamac, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Cismaan Ibraahin (Af-gaab), iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mrwo Kaltuun Sh. Xassan Cabdi Madar, ayuu sidoo kale midkiiba helay 65 cod.

Wasiirka Maalgashiga, Md. Siciid Maxamed Buraale - 63 cod, Wasiirka Deegaanka, Md. Cabdilaahi Cismaan Jaamac ayaa helay 64 cod, Wasiirka Maaliyada, Md. Cabdilaahi Xassan Aadan Cawaale ayaa helay 65 cod,  Wasiirka Ganacsiga, Md. Cabdiraxmaan Xassan Nuux Furre ayaa helay 65 cod, Wasiirka Diinta, Md. Cabdilaahi Daahir Jaamac  ayaa helay 65, Wasiirka Hawlaha Guud, Md. Xuseen Axmed Caydiid  ayaa helay 63 cod, iyo Wasiirka Amniga, Md. Cabdale Maxamed Carab oo sidoo kale helay 65 cod.

Ugu danbayn, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Md. Ismaaciil Yuusuf Ducaale, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Mrwo. Milgo Maxamed Cilmi, ayuu midkiiba helay 65 cod.