1/28/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2025
Dowladda Fedaraalka oo Qaramada Midoobay kala hadashay ka jawaabista Abaaro ka jira dalka
 

Isniin, January 6, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa kulan la qaatay Wakiilo ka socday Qaramada Midoobay oo uu horkaacayo ku xigeenka Ergeyga QM ee Soomaaliya George Conway.

Kulanka ayaa ahaa mid looga arrinsaday xaalada abaaraha ee laga soo sheegayo qeybo ka mid ah gobolada dalka iyo qorshaha ku aadan sidii looga jawaab celin lahaa baahiyaha banii’aadannimo ee 2025 iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha gargaarka iyo SoDMA.

Dhinacyada ayaa sidoo kape kulanka iskula meel dhigay in la qabto shir guud oo looga hadlayo dhaqaalo aruurin la xariirta, sidii jawaab deg deg ah looga bixin lahaa baahiyaha dadka u nugul dhibaatada.

Guddoomiyaha Hay'adda SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa Wakiiladda ka socday Qaramada Midoobay ku booriyay iney xoojiyaan dadaalada kaalmeynta danyarta iyo wada shaqeynta kala dhaxeysa hay’adaha gargaarka.

Ugu dambeyntii kulankaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in dalka uu galay marxalad abaar, kadib markii uu baaqday xili roobaadkii Deyrta ee la filayay bilihii September, October iyo November ee sanadkii tagay 2024, islamarkaana loo baahan yahay gurmad iyo dadaal aan kala har lahayn.