1/28/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2025
Dowladda Soomaaliya oo Hindiya kala hadashay fududeynta Fiisaha Socdaalka

Isniin, January 6, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan gaar ah la qaatay masuuliyiin ka tirsan Safaaradda dowladda Hindiya ee dalka Kenya.

Masuuliyiinta labada dowladood ayaa ka wada hadlay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa Fiisaha dalka Hindiya iyo sidii xarun rasmi ah looga hirgalin lahaa magaalada Muqdisho.

"Xaruntan la soo jeediyay ayaa la filayaa inay fududeyso habka codsashada fiisaha, iyadoo meesha ka saaraysa baahida muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u safraan waddamada deriska ah si ay u helaan adeegyada fiisaha, isla markaana yareynaysa kharashaadka ku baxa safarka" ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibbada Soomaaliya

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doonto sidii bulshada Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa kharashaadka Safarka ee dalka Hindiya.

Wadahadaladaan dhex maray Soomaaliya iyo Hindiya ayaa kusoo aadaya, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay muddo dheer ku qaadato helista fiisaha dalka Hindiya, iyagoo waliba u raadsada qaar ka mid ah dalalka dariska sida Kenya iyo Itoobiya si ay u soo helaan Fiisaha dalka Hindiyada.