1/28/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 3 , 2025
Puntland oo ka hadashay duqayn uu Maraykanku ka geystay gobolka Bari
 

Jimco, January 3, 2025 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa duqayn culus oo ka dhan ah kooxda Daacish ka fulisay deegaanada Calmiskaad ee gobolka Bari, sida lagasoo xigtay masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

Duqaynta ayaa timid kadib, maalmo kaddib markii kooxda Daacish ay weerar ku qaadeen tuulada Dharjaalle ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 20 qof oo isugu jiray ciidamo iyo dad rayid ah.

Afhayeenka hawlgalada ka dhanka ah argagixisada ee Puntland, General Maxamuud Maxamed Axmed, ayaa  sheegay in Mareykanka uu qaaday tallaabo muhiim ah oo ka caawisay Puntland la dagaallanka argagixisada.

“Waxaan uga mahadcelineynaa Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay nagu siiyaan dagaalka aan kula jirno argagixisada, taasoo horseeday in halis badan laga hortago,” ayuu yiri Gen. Maxamuud Maxamed Axmed.

Puntland ayaa horey u ballanqaadday in ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyagoo kaashanaya beesha caalamka.

Dhanka kale, Mareykanku weli kama hadlin duqayntan.

Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqaynta weli lama helin, balse wararka ayaa sheegaya in duqaynta lala beegsaday dhowr xarumood oo Daacishtu ay ku sugnaayeen.