1/28/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 3 , 2025
Dowladda Itoobiya oo ka caawisay Puntland daaweynta askartii Ku dhaawacmay weerarkii Dharjaale
 

Jimco, January 3, 2025 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay codsi uga yimid maamulka Puntland, iyada oo u fidisay gargaar caafimaad askartii ku dhaawacmay weerar ay kooxda Daacish ka geysatay tuulada Dharjaale ee gobolka Barri, Talaadadii toddobaadkan.

Askarta dhaawacan oo xaaladooda caafimaad ay aad u cuslayd ayaa shalay loo qaaday dalka Itoobiya, maaddaama lagu guul-darraystay in wax looga qabto xaaladooda isbitaallada Puntland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa uga mahadceliyay dowladda Itoobiya taageerada degdegga ah ee ay bixisay, iyagoo sheegay in tani ay tahay tallaabo muujinaysa iskaashiga iyo saaxiibtinimada ka dhaxaysa labada dhinac.

Weerarka Dharjaale ayaa ahaa mid dhimasho iyo dhaawacba geystay, waxaana maamulka Puntland uu sheegay in ay sii xoojin doonaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah.

In ka badan 20 qof oo u badan askarta ciidanka Puntland ayaa ku geeriyooday weerarkan. Sidoo kale tiro ka badan 30 ayaa ku dhaawacmay weerarkaan oo ahaa midkii ugu horreeyay ee Daacish ay ka geysato gudaha Puntland.

Puntland ayaa ka dalbatay caalamka in laga caawiyo dagaalka ka dhanka ah argigixisada Daacish, iyadoo sheegtay inay la dagaalamayso argigixiso caalami ah oo kusoo duushay degaanadeeda.