1/28/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 3 , 2025
Soomaaliya oo dib u eegis ku samaynaysa doorka Itoobiya ee Hawlgalka AUSSOM
 

Jimco, January 3, 2025 (HOL) - Soomaaliya ayaa dib u eegis ku sameyneysa go’aankeedii ahaa in ciidamada Itoobiya laga saaro howlgalka nabad ilaalinta ee AUSSOM, taasi oo muujineysa isbedel weyn oo dhanka diblomaasiyadda ah ee u dhaxeeya labada dal.

Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya Caa’isha Maxamed oo Khamiistii soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa ka hadashay ka qeyb galka Itoobiya ee howlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika (AUSSOM).

Labada waddanba waxay dib u xaqiijiyeen go'aankooda ku aaddan nabadda gobolka waxayna ku heshiiyeen tallaabooyin iskaashi oo lagu taageerayo howlgalka AUSSOM.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Bloomberg January 2, 2025, dublamaasiyiin ayaa ka digay in ka-reebista Itoobiya ee hawlgalka ay sii xumeyn karto xiisadda u dhaxaysa dalalka deriska ah, maaddaama ay Itoobiya la kulmeyso khataro isa soo taraya oo kaga imaanaya Al-Shabaab.

Diblumaasiyiinta waxay sheegeen suurtagalnimada in Itoobiya laga saaro howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya in ay keeni karto suurtagalnimada in xiisadda ay sii kororto, iyadoo Itoobiya ay weli bartilmaameed u tahay weerarada Al-Shabaab kaga imaanaya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 27-kii Diseembar dib u cusbooneysiiyay waajibaadka howlgalka, inkastoo ay weli wajahayaan caqabado ku aaddan sidii loo heli lahaa dhaqaale lagu bixiyo howlgallada nabad ilaalinta.