Arbaco, January 29, 2025 (HOL) - Boqollaal qof Itoobiya oo aan haysan wax dukumentiyo sharci ah ayaa maanta laga tarxiilay magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, iyagoo dib loogu celinayo dalkoodii.
Dadkan la tarxiilay oo ay tiradoodu gaareyso ilaa kun qof, ayaa u dhashay dalka Itoobiya, waxaana la sheegay in aysan haysan wax sharciya oo u oggolaanaya inay ku sii nagaadaan gudaha Puntland.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Puntland ku xoojinayso la dagaallanka dadka aan sharciyeysnayn ee ku sugan deegaannada maamulka, kaddib markii in badan oo kamid ah ajaanibta ku sugan Puntland ay ku biireen kooxda Daacish.
Maamulka Puntland wali kama uusan hadlin tarxiilkan, balse wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dadkan loo qaaday xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.
Dadkan ayaa lagu daabulay gawaarida xamuulka qaada, kaddib labo maalmood oo ay ku xirnaayeen xarumaha ciidanka Garowe.
Waxaa jira walaac laga qabo saameynta ay arrintan ku yeelan karto dadka la tarxiilay, maaddaama ay horey uga shaqeysanayeen gudaha Puntland, halka ay qaar kalena haysteen ganacsi yaryar.
Dad caraysan oo ku sugan magaalada Garowe ayaa sidoo kale boobay ganacsiyo ay lahaayeen dadka Itoobiyaanka ah, iyadoo arrintaas ay si weyn u cambaareeyeen culimada Puntland.
Tan iyo markii ay Puntland ku dhawaaqday howlgallada ka dhanka ah ajaanibta ayaa waxaa magaalooyinka Garowe iyo Bosaso ka bilowday howlgallo ka dhan ah Itoobiyaanka iyo ajaanibta kale.