1/30/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 29, 2025
Wasaaradda Maaliyadda oo shaacisay in Xarumaha Caafimaadka laga dhaafay Cashuuraha iibka adeegyada Caafimaadka
 

Arbaco, January 29, 2025 (HOL) - Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa faahfaahin ka bixiyay kulamadii ay la yeesheen dhaqaatiirta iyo ururada Caafimaadka dalka, waxa uuna tilmaamay in is-afgarad buuxa ay ka gaareen hannaanka Cashuuraha iyo habraaca looga baahan yahay Cusbitaalada.

Tallaabadaan waxa ay timid kadib Shirar heerar kala duwan soo maray, misna muddo soo socday oo ay wada yeesheen Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Ururada Dhaqaatiirta iyo Cusbitaalada Dalka, waxaana maanta si rasmi ah ay natiijo wax ku ool ah uga soo baxday, iyadoona looga dhawaaqay in laga dhaafay Cashuuraha iibka adeegyada Caafimaad ee Cusbitaalada iyo Rugaha bixiya adeegyada daryeelka caafimaadka.

Wasiir Xaange ayaa sheegay in adeegyada kala duwan ee Caafimaadka ay cusbitaalada bixiyaan laga dhaafay Canshuuraha, waxaana qeyb ka ah adeegyadaasi sida adeega lasiiyo bukaan socodka, midka deg dega, hooyada iyo dhalaanka, adeegyada baarista, qaliimada iyo daaweynta Bukaan jiifka oo Cusbitaalada iyo rugaha Caafimaadka ay bixiyaan.

Wasiirka ayaa sheegay in tani ay Muwaadiniinta ka fududeeyn doonto in ay sida ugu jaban ay ku heli doonaan adeega caafimaad taasna ay keentay in ay ka dhaafaan xarumaha caafimaadka Canshuurtii horey loogu soo rogay.

Dhinaca kale dhaqaatiirtii kulanka goobjooga ka aheyd ayaa dhan kooda xaqiijiyay wada-shaqeynta Wasaaradda iyo u adeegidda bulshada in ay tiir u tahay horumarka bulshada Soomaaliyeed.