Isniin, January 27, 2025 (HOL) - Inta la ogyahay, hal qof ayaa ku dhintay magaalada Berbera kadib markii ay shinni kacsani weerartay culimo timo weyn ah oo xusaysay munaasabada Israa Wal Micraaj.
Ciidamada Dabdemiska Somaliland, ayaa war qoraal ah oo ay baahiyeen ku sheegay in mid kamid ah culimada uu u dhintay sunta qaniinyada shinnida.
"Alle ha u naxariistee, hal qof ayaa ku geeriyooday, laba kalena way ku dhaawacmeen kadib markii shinni kacsani ay qaniinyo ku weerartay Xerta Culimada Timoweynta oo maqaam ku yaalla magaalada Berbera ku xusaysay Israa Wal Micraaj," ayaa lagu yidhi qoraalka.
Qoraalka Ciidamada Dabdemiska oo ka hawlgallay samatabbixinta culimada ay ku sheegeen inay sidookale labada qof ee dhaawaca ah u daadgureeyeen Dhakhtarka Wayn ee Magaalada Berbera.
Magaalada Berbera ayaa inta badan ku caan ah culimada Timo Waynta, maanta oo ay ku beegnayd munaasibada dheelminta Nabi Maxamed NNKH, ayay culimadu xuskeeda ku jireen markii ay ku kacday shinni daganayd meel aan ka fogayn.