1/30/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 27, 2025
Garowe: Ciidamada ammaanka Puntland oo bilaabay xarig ka dhan ah dadka muhaajriinta ee sharci la'aanta ah
 

Isniin, January 27, 2025 (HOL) - Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa magaalada Garowe ka sameeyay howlgallo ballaaran oo lagu beegsanayo muhaajiriinta sharci darrada ah, gaar ahaan dadka u badan qowmiyadda Itoobiyaanka, kadib markii maamulka Puntland uu soo saaray amar mamnuucaya dadka aan sharciyeysneyn inay joogaan Puntland.

Howlgallada hadda socda ayaa keenay in boqolaal muhaajiriin ah oo u badan Itoobiyaan lagu xiray xarumaha ciidamada ammaanka, iyada oo Puntland ay sii xoojineyso tallaabooyinka xakameynta muhaajiriinta sharci darrada ah ee kusoo qulqulaya Puntland.

Dhinaca kale, dad caraysan oo shacab ah ayaa lagusoo waramayaa inay ku xoomeen goobaha ay degen yihiin dadka Itoobiayanka ah ee Garowe, kuwaas tacaddiyo u geystay tobanaan kamid ah dadkan, inkastoo markii dambe ay ciidamaada ammaanku soo faragaliyeen.

Kaddib markii uu soo baxay amarka lagu mamnuucayo muhaajriinta ku sugan Puntkand, waxaa magaalooyinka ka bilowday raaf ka dhan ah dadkan. Muuqaallo lasoo dhigay baraha internetka ayaa la arkayay ciidamada ammaanka oo waddooyinka ka qabqabanaya dadkan.

Dhinaca kale, hay’adda dambi baarista Puntland ayaa sheegtay inay keentay hannaan lagu diiwaan galinayo muhaajirinta lagulana soconayo dhaqdhaqaaqyadooda.

Waa howlgalkii ugu ballaaran ee ka dhan ah muhaajiriinta ee ka dhaca Puntland. Tallaabadan aaya timid kaddib markii ajaanib badan oo ku sugan Puntland ay ku biireen kooxda Daacish ee ka dagaalamaysa buuraha Calmiskaad.