Isniin, January 27, 2025 (HOL) - Wasiiru dowlaha Wasaaradda Diinta iyo arrimaha Islaamka Abuukar Sheekh ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka barbar dagaalameysa kooxda Al-shabaab iney ka faa'ideystaan fursada cafiska ah ee uu u fidiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiiru dowlaha in dhalinta ku biirtay Al-shabaab ee la qalday haatan heli karaan fursad taariiqi ah oo ay ku badbaadin karaan qaladka ay ka galeen noloshooda iyo dalkooda.
“Waa muhiim in dhalinyarada Soomaaliyeed ay fahmaan in fursad ay u heystaan inay kasoo baxaan gacanta Al-Shabaab, islamarkaana ay ka faa’iideystaan cafiska Madaxweynaha oo ah fursad taariikhi ah oo lagu badbaadin karo noloshooda, iyagoo dib ugu soo laaban kara bulshada si wax ku ool ah” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Diinta iyo Arrimaha Islaamka Abuukar Sheekh.
Hadalka Wasiiru dowlaha Diinta ayaa kusoo aadaya, iyadoo haatan dowladda Fedaraalka wado abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, islamarkaana Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu horey u sheegay in dowladda diyaar u tahay in ay siiso cafis dhalinyarada ku biirtay kooxda Al-shabaab ee doonaya iney isaga soo baxaan
Gabagabadii Wasiir Abuukar Sheekh ayaa guud ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed ka dalbaday iney ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka dalka ayna ka fogaadaan Al-Shabaab iyo fikradahooda halista ku ah jiritaanka Soomaaliya.