12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2024
Puntland oo bilowday guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari
 

Talaado, November, 26, 2024 (HOL) - Puntland ayaa bilowday guluf ciidan oo ka dhan ah kooxda Daacish ee isku sii ballaarinaysa  deegaanada buuraleyda gobolka Bari.

Ciidamo aad u badan oo wata gaadiid dagaal ayaa ka amba baxay magaalada Garowe, iyagoo gaaray magaalada Boosaaso, halkaas oo la filayo inay uga sii gudbaan dhinaca buuraleyda, si ay weerarro ugu qaadaan xarumaha kooxda Daacish ee ku yaalla gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa haatan ku sugan magaalada Boosaaso, isagoo xarun ka dhigtay saldhigga ciidanka badda ee Puntland (PMPF). Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in xaaladda amni ee magaalada Bosaaso ay sababtay in madaxweyne Deni uu ka fogaado xarunta madaxtooyada Boosaaso.

Waxaa sidoo kale la sheegay in taliska Africom uu u ballanqaaday Puntland taageero ku aaddan duqeymo cirka ah oo lagu beegsanayo xarumaha Daacish ee gobolka Bari.

Si kastaba ha ahaatee, Tirada Dagaalyahannada Daacish ayaa Korodhay. Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa looga digay qulqulka dagaalyahanno shisheeye ee ku biiraya kooxda Daacish Soomaaliya.

Tirada dagaalyahannada Daacish ee ku sugan Puntland ayaa lagu qiyaasay 600 illaa 700, waxaana lagu sheegay in ay taageero weyn ka helaan dagaalyahanno ajnabi ah oo ka kala yimid, Syria, Yemen, Ethiopia, Sudan, Morocco, iyo Tanzania.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa xustay in dagaalyahannada ajnabiga ah ay kordhiyeen awoodda kooxda, iyagoo isticmaalaya marinnada dhulka iyo badda ee Puntland si ay uga soo galaan Soomaaliya. Ilo sirdoon ayaa ka digay in horumarka ay kooxda IS ku sameysay buuraha Cal-Miskaad uu yahay isbeddel halis ah oo dhinaca amniga ah.