12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2024
Fahad Yaasiin oo taageeray Ciidamada Dowladda ay geeysay Raas Kambooni
 

Talaado, November, 26, 2024 (HOL) - Taliyihii hore ee Hay’adda nabad sugida Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasin Xaaji Daahir, ayaa si weyn usoo dhoweeyay tallaabadii ay shalay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo ugu dirtay magaalada Raas Kambooni ee Jubada Hoose kuwaasi oo la sheegay inay la wareegayaan xarumo ay baneenayaan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka ATMIS inkastoo Jubaland ay tilmaamtay in dano siyaasadeed oo gaar ah laga leeyahay.

Waxa uu bartiisa X soo dhigay Fahad Yaasiin fariin xambaarsan Bogaadin iyo Hambalyo waxaana uu yiri "Waxaan boogaadin iyo hambalyo u dirayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gutay waajibkooda qarannimo ee ah ilaalinta xuduudaha dalka iyo la wareegidda amniga soohdimaha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale Fahad Yaasiin ayaa ugu baaqay Dowladda Kenya inay wada shaqayn buuxda la yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna iyada si toos ah ugala macaamisho arrimaha la xiriira amniga iyo iskaashiga dhaqaalaha ee labada dal.

Magaalada Raas Kambooni shalay waxaa ka degtay 3 diyaaradood oo siday Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya xilli magaalada Kismaayo looga dhawaaqay Guushii Axmed Madoobe, waxaana khudbadiisi guusha uu doorashada ka gaaray uu uga digay in tallaabada ay Dowladda Ciidamada ku geeysay Raas Kambooni ay soo xusuusin doonto reer Jubaland wixii dhacay 2013kii, waxaana uu Axmed Madoobe sheegay inaan Ciidamada loo adeegsanin qaab siyaasadeedsan.

Xalay fadhigii aan caadiga ahayn ay yeesheen Golaha Wasiirada ayaa sharci darro loogu tilmaamay dhamaan doorashooyinkii ka dhacay Jubaland.