Jimco, Maarso, 26, 2021 (HOL) -Sida ay wararku nagu soo gaarayaan qaybo kamid ah Gobolka Siti ee degaanka Soomaalida itoobiya waxaa maanta ka dhacay dibadbaxyo.
newsinsideDibadbaxyadan ayaa ahaa kuwo shacabku ay ku taageerayeen warqad ay xukuumadda degaanku u qortay Guddida doorashooyinka dalka itoobiya, taas oo ay xukuumaddu ku sheegtay in goob doorasho laga sameeyo magaalooyinka uu horey guddigu u go'aamiyey inaan doorasho laga qaban.
Guddiga ayaa horey u go'aamiyay magaalooyin u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta oo muran ka taagnaa inaan haba yaraatee wax doorasho ah aysan ka dhicin, taas oo markii dambe ka caraysiisay shacabka degaanka Soomaalida, xukuumadda degaankuna ku gacanseertay go'aankaas.
Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]