Xaaska Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyootay dalka Kenya

 

Jimco, Maarso, 26, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw wadanka Kenya ku geeriyootay alle ha u naxariiste Raxmo Maxamuud Gacal oo aheyd xaaskii madaxweynahii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

newsinsideMarxuumad Raxmo Maxamuud Gacal ayaa mudooyinkii dambe ku xanuunsaneyd Isbitaal ku yaala dalka Kenya, iyadoo maalmahii ugu dambeyay xaaladeeda Caafimaad laga soo deyrinaayay.

Dhawaan ayay aheyd markii uu isna dalka Kenya ku geeriyooday alle ha u naxariiste madaxweynahii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ahaa seyga Marxuumad Raxmo Maxamuud gacal oo iyana goordhaw ku geeriyootay dalka Kenya.

Geerida xaaska madaxweynahii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed waxaa ka tacsiyadeeyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaaso uga tacsiyadeeyay qoyskii iyo asxaabtii aay ka baxday iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]