Guddoonka Baarlamanka oo tacsi u diray qowskii uu ka geeriyooday xildhibaan Jamhuuriya

 

Sabti, Abril 18, 2020 (HOL) - Xildhibaankan oo kamid ahaa golaha shacabka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana maalmihii lasoo dhaafay uu laxanuunsanaa cudurka sokorta.

newsinsideXildhibaan Adan Xasan Cali (Jamhuuriya) oo maalmahan xanuunsanaa ayaa geeriyooday sida aay xaqiijiyeen qaar kamid ah baarlamanka dalka iyo masuuliyiinta xukuumada Soomaliya.

Afhayeenka baarlamanka, xildhibaano iyo wasiiro katirsan xukuumada Soomaaliya ayaa ka tacsiyeey geerida kutimid xildhibaan Jamhuuriya, waxaana aay tacsi u direen qowskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday xildhibaanka.

'' Guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna Xildhibaan Aadan Cali Xassan samir iyo iimaan Allaha haka siiyo” Ayuu yiri guddomiyaha golaha shacabka BJFS.

Xildhibaanka ayaa maalmahaan ku xanuunsanaa xisbitaal kuyaala magaalada Muqdisho ayadoo xaaladiisa caafimaad aay ahaayd mid aad u daran, waxaana madaxda baarlamanka aay sameeyeen gurmad caafimaad oo lagula tacaalayo xildhibaanka.

Xalay ayuu xildhibaan Aadan Jamhuuriya ku geeriyooday mid kamid ah cisbitaalada magaalada Muqdhisho.