
Sabti, Abril 18, 2020 (HOL) - Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo ah dhaqtar si weyn looga qadariyo maamulka Somaliland kuna taqasusay cudarada faafa sida cudurka COVID-19 ayaa maamulka Muuse Biixi uga digay qaabka loo maamulay ka-hortaga cudurka COVID-19.
newsinsideDr. Gaboose oo shir jar'id ku qabtay xaruunta dhaqtarka uu maamulo HALDOOR HOSPITAL ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu fariin adag u diray madaxweyne Muuse Biixi ugana digay in JAADKA uu yahay halista ugu weyn ee ku faafi-karo cudurkaan COVID-19, loona baahanyahay in uu madaxweynaha talaabo adag ka qaato.
Mar uu Dr. Gaboose ka hadlayey dhibaatada Jaadka u keeni karo faafidda cudurka COVID-19 ayaa waxaa uu yiri "Jaadka waa cuntu aan daboolneyn, oo aan bac lagu soo xirin lana soo meyrin. Sidaas ayuu ku soo gaaraa suqyada lagu iibiyo. Dad badan ayaa taabanayo oo aanan iibsaneyn laakin laga yaabo in ay qabaan cudurka COVID-19. Qofkii markaa iibsada, wuxuu cudurkii geynayaa gurigiisii sidaas ayuuna deg-deg ugu sii faafi-karaa cudurka" ayuu yiri Dr. Gaboose.