Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday

 

Sabti, Abril 18, 2020 (HOL) - Allaha U Naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Aadan Xasan Cali oo loo yaqaannay (Aadan Moobileen), oo kamid ahaa golaha aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya.

newsinsideMudanaha oo u aad xanuunsanaa maalmihii lasoo dhaafay ayaa  waxaa hayay xanuunka macaanka, halka sidoo kale uu ka xanuunsanayay killiyaha,  sida ay HOL u sheegaan mas'uuliyiin ka tirsan dowladda.

Allaha u raxmadee Xildhibaan Aadan Moobileen ayaa sidoo kale kamid ahaa guddiga maaliyadda ee Baarlamanka. 

Dhowaan ayeey aheyd markii warbaahinta ay kasoo muuqdeen Xildhibaanno uu ku jiro Mahad Cabdalle Cawad oo meshiinka killiyaha lagu dhaqo ka qaadaya Cisbitaalkii Ex-digfeer, iyagoo u wada Cisbitaal kale oo uu xildhibaanka maanta geeriyooday ku xanuunsanayay.

Allaha u Naxariistee waxaa xildhibaankaas lagasoo doortay maamulka Hirshabeelle.

Cabdicasiis Axmed Barrow 
Hiiraan Online, Muqdisho