Kulan lagu taageerayo maamul goboleedka Jubbaland oo lagu qabtay xarunta dalka Kenya ee Nairobi (SAWIRRO)

Jimco, August 03, 2012 (HOL) - Kulan ay isugu yimaadeen siyaasiyiin,aqoonyahanno iyo waxgarad kale ayaa lagu taageeray maamul goboleedka Jubbaland oo kamid ah maamul goboleedyada deegaannadaas looga dhawaaqay.
Waxaana halkaas ka hadlay madaxweynaha maamul goboleedkan Dr. Axmed Faarax Ducaale oo sheegay inay aqoonsi ka heleen DKMG ah ee Soomaaliya.
“Waxaan dhawaantaan ku sugnayn magaalada Muqdisho, waxaanan si wanaagsan isu afgaranay masuulyiinta DKMG ah ee Soomaaliya” ayuu yiri Dr, Axmed.
Waxaa uu ka codsaday dadweynaha ku dhaqan gobollada Jubbooyinka iyo degaannada ku hareeraysan inay is garab taagaan maamulkiisa oo uu ku tilmaamay inuu si cadaalada ah ugu qaybiyay jagooyinka dadka ku dhaqan gobolladaas.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Ismaaciil Macallin Axmed (Booliyo) oo isna goobtaas ka hadlay ayaa dalbaday in xarakada Alshabaab ay ka baxdo gobolladaas, hadii kalana ay awood u isticmaali doonaan.
Waxaa uu Ismaaciil sheegay in maamulkoodu uu si toos ah uu hoostagayo DKMG ah ee Soomaaliya, isagoo ka codsaday dhammaan wadamada iyo hay’adaha danaynaya gobolladaas inay lasoo xiriiraan maamulkooda.
Dadweyne isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada oo iyaguna halkaas hadallo ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay maamulkan oo ay ku tilmaameen inay iska wada dhex arki karaan dadka deggan gobollada koonfur galbeed ee Soomaaliya.
Gobollada Jubbooyinka iyo deegaannada ku hareeraysan ayaa sannadihii ugu dambeeyay looga dhawaayay maamul goboleedyo kala duwan oo dhammaantood sheegta inay ka arrimayaan dhulkaas oo intiisa badan ay gacanta ku hayso xarakada Alshabaab.




Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya