Jimco, Ogoosto 03, 2012 (HOL) — Jen. Cabdi Qaybdiid oo maalin ka hor loo doortay madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa sheegay isagoo ka jawaabayay hadal uu warbaahinta kasii daayay Col. Caalin in doorashadii uu kusoo baxay ay ahayd mid ku dhacday si sharci ah.
Jen. Qeybdiid ayaa sheegay inuu isagu yahay madaxweynaha sharciga ah ee ka jira Galmudug, isla markaana hoggaamin doona, wuxuuna iska fogeeyay hadallo ku aaddan in doorashadiisu ay ahayd mid ku dhacday si aan sharciga Galmudug waafaqsanayn.
"Haddii xildhibaanadii maamulka Galmudug ay i doorteen taas sharci darro ma ahan, haddii Col. Caalin uu rabo inuu ogaado sida ay doorashadu u dhacday Gaalkacyo waa inuu yimaado," ayuu yiri Jen. Cabdi Qaybdiid.
Sidoo kale, Jen. Qaybdiid ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Galmudug ay wax badan dib uga dhacday maamullada kale ee dalka ka jira, uuna rajo weyn ka qabo in wax weyn uu ka bedelo arrintaas.
"Ma ahan in go'aan kasoo baxya xaafadda Islii ee Nairbi lagu xukumayo Galmudug, haddii uu sharci diyaar u yahay Col. Caalin waa inuu Gaalkacyo yimaado, waxaana ku kalsoonahay inaan anig wax ka bedeli doono sida ay ku socdeen howlaha Galmduug," ayuu Jen. Qaybdiid oo ku adkeysanaya inuu yahay madaxweynaha Galmudug.
Hadalka Jen. Qaybdiid ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay shalay ka dhaceen dibadbaxyo lagu taageerayo degmada Gaalkacyo. Iyadoo Col. Caalin oo ahaa madaxweynaha Galmudug uu ku adkeysanayo inuu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee maamulkaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Jen. Cabdi Qaybdiid oo sheegay inuu yahay Madaxweynaha Rasmiga ah ee Galmudug, Doorashadiisuna ay u dhacday si xaq ah
More News
- Orodyahannada Soomaaliyeed ee Zamzam Maxamed Faarax oo kaalinta Toddobaad ka gashay Orodka 400 Mitir ee haweenka
- Kulan lagu taageerayo maamul goboleedka Jubbaland oo lagu qabtay xarunta dalka Kenya ee Nairobi (SAWIRRO)
- Col. Caalin oo kasoo horjeestay doorashadii ka dhacday Galmudug (SAWIRRO)
- Kooxo hubeysan oo Laascaanood ku dilay Mas'uul ka tirsan Maamulka Gobolka Sool iyo Wariyeyaal dil ka badbaaday
- Madaxda DKMG ah oo u dhoofay Nairoib halkaasoo ay kula kulmayaan Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka
- Marxuum Inj. Cali X. Shirwac oo saakay lagu aasay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan