Jimco, Ogoosto 03, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Laascaabood ee gobolka Sool mas'uul ka tirsnaa maamulka gobolka kaasoo lagu magacaabi jiray, Cabdi Cawil Xasan.
Sidoo kale, wariyeyaal u shaqeynayay idaacadda Daljir oo ka howlgasha Puntland oo midkood uu ahaa tifaftirihii idaacadda qaybteeda Gaalkacyo ayaa ka badbaaay dil la damacsanaa in lagu qaarijiyo.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Laascaanood ayaa sheegay in saddex nin oo ku hubeysan bastoolado ay weerareen mas'uulka la dilay, iyagoo goobta ka baxsaday, waxaana ciidamada maamulka Somaliland ee halkaas ku sugan ay durba sameeyeen baaritaanno ay kusoo qabqabteen dad fara badan oo ay falka la xiriinayaan.
Degmada Laascaanood oo ay ka taliso Somaliland ayaa waxaa dhawaanahan kusoo kordhayay falalka lagu beegsanayo mas'uuliyiinta gobolkaas, iyadoo habeen hore lagu weeraray guriga guddoomiyaha degmadaas bam gacmeed aan wax khasaare ah geysan.
Dhanka kale, tifaftirihii idaacadda Dajire ee Gaalkacyo C/fitaax Cumar Geeddi iyo wariye Cabdi Xasan Rooble (Awoowe) ayaa ka badbaaday isku day lagu dili lahaa oo ka dhacay degmada Garoowe ee xarunta Puntland.
"Markii aan kasoo baxnay idaacadda 7:30 fiidnimo ee xalay ayaa waxaa gaarigii aan wadanay nagu soo weeraray laba nin oo bastoolado ku hubeysan, balse nasiib wanaag waan ka badbaadnay oo wax dhibaato ah nama soo gaarin," ayuu yiri Awoowe oo la hadlay idaacadaha maxaliga ah.
Iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo magaalada Garoowe lagu weeraro wariyeyaal ayaa waxay wararku sheegayaan in weerarkan ay geysteen laba nin oo bastoolado ku hubeysan kuwaasoo goobta ka baxsaday.
Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa waxay wadaan baaritaano ay ku raadinayaan labadii qof ee weerarka geystay, iyagoo su'aal weydiinaya dadkii goobjoogayaasha ahaa, waxaana tani ay imaanaysaa iyadoo madaxweynaha Puntland uu sheegay in weerarada ka dhaca Puntland ay yihiin mashaariic ay dad gaar ah wataan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Kooxo hubeysan oo Laascaanood ku dilay Mas'uul ka tirsan Maamulka Gobolka Sool iyo Wariyeyaal dil ka badbaaday
More News
- Orodyahannada Soomaaliyeed ee Zamzam Maxamed Faarax oo kaalinta Toddobaad ka gashay Orodka 400 Mitir ee haweenka
- Kulan lagu taageerayo maamul goboleedka Jubbaland oo lagu qabtay xarunta dalka Kenya ee Nairobi (SAWIRRO)
- Col. Caalin oo kasoo horjeestay doorashadii ka dhacday Galmudug (SAWIRRO)
- Jen. Cabdi Qaybdiid oo sheegay inuu yahay Madaxweynaha Rasmiga ah ee Galmudug, Doorashadiisuna ay u dhacday si xaq ah
- Madaxda DKMG ah oo u dhoofay Nairoib halkaasoo ay kula kulmayaan Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka
- Marxuum Inj. Cali X. Shirwac oo saakay lagu aasay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan